Office of the Auditor General (OAG) – Galmudug State Somalia

Audited Consolidated Financial Statements of the GSS – 2024 – In Somali

Warbixintan sanadlaha ah waxay soo bandhigaysaa natiijooyinka hantidhawrka lagu sameeyay warbixinta maaliyadeed ee Dowladda Galmudug ee sanad maaliyadeedka ku dhammaaday 31 Diseembar 2024, iyadoo loo fuliyay si waafaqsan Heerarka Caalamiga ah ee Hantidhawrka (ISSAIs) iyo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dadweynaha 2018. Hantidhawraha Guud wuxuu bixiyay aragti fikarad cillad leh (Qualified Audit Opinion), taasoo muujinaysa in inkasta oo warbixinta maaliyadeed guud ahaan la isku halleyn karo, haddana ay jiraan arrimo waaweyn oo saameynaya saxnaanteeda iyo hufnaanteeda.

Baaristu waxay muujisay daldaloolooyin nidaamsan oo ku jira maamulka dakhliga, kharashaadka, mushaharka, wax-soo-iibsiga, deymaha, iyo hantida. Dakhliga dowladda waxaa wiiqay uruurin la’aan ilaha muhiimka ah iyo dakhli badan oo aan lahayn dukumiinti caddeynaya, taasoo hoos u dhigaysa kalsoonida xogta maaliyadeed.

Dhanka kharashaadka, waxaa la ogaaday lacag bixino badan oo aan lahayn dukumiinti taageeraya iyo kharashaad si khaldan loogu diiwaangeliyay madaxyada miisaaniyadda, taas oo dhaawacaysa saxnaanta warbixinta. Nidaamka mushaharka ayaa sidoo kale muujiyay liidasho, iyadoo aan jirin iswaafajin rasmi ah iyo kala duwanaansho mushahar oo aan la sharxin.

Habraacyada wax-soo-iibsiga ayaa si weyn u jabiyay shuruucda jira, iyadoo qandaraasyo badan lagu bixiyay hab aan tartan lahayn iyo dukumiinti aan dhammaystirnayn. Sidoo kale, lacagaha loo wareejiyay dowladaha hoose waxaa la bixiyay iyada oo aan la helin xisaab celin sharci ah.

Maamulka deymaha ayaa ahaa mid aan nidaamsanayn, iyadoo deymaha qaarkood aan oggolaansho Baarlamaan lagu helin, warbixinno lagama maarmaan ahna aan la diyaarin, isla markaana aan jirin istaraatiijiyad hagta maamulka deymaha.

Dhanka maamulka hantida, ma jiro diiwaan dhexe oo lagu kaydiyo hantida dowladda, lama sameeyo tirakoob joogto ah, waxaana jirta hanti qiimaheedu gaarayo malaayiin doollar oo aan diiwaan gelin, taas oo khatar ku ah ilaalinta hantida qaranka.

Sidoo kale, sida ku cad jaantuska ku jira bogga 15, kaliya 33% talooyinkii hore ee 2023 ayaa la hirgeliyay, halka 67% aan la fulin, taas oo muujinaysa dhibaato joogto ah oo ku saabsan dabagalka iyo isla xisaabtanka.

Guud ahaan, warbixintu waxay caddeyneysaa in Dowladda Galmudug ay weli wajahdo caqabado waaweyn oo ku saabsan maamulka maaliyadda, u hoggaansanaanta sharciga, iyo xakamaynta gudaha. Waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xoojinayo nidaamyada maaliyadeed, lagu hirgelinayo talooyinka hantidhawrka, lana adkeynayo isla xisaabtanka si loo ilaaliyo hantida dowladda loona soo celiyo kalsoonida dadweynaha.